
Official @X Account for Ministry of Fisheries & Marine Resources Puntland State of Somalia | https://nitter.gq/t.co/vbvWxenxps
Joined February 2018
- Tweets178
- Following10
- Followers138
- Likes12
Baargaal: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Maxamed Cabdulqaadir Saalax (Doonyaale), ayaa kulamo la yeeshay Iskaashatada Kalluumaysiga degmada Baargaal ee gobolka Raascasayr.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda shaqo ee kalluumaysatada.
5
Baargaal: Wasiirka Wasaaradda @mofmr1 Maxamed Cabdulqaadir (Doonyaale) oo ay wehliyaan Agaasimaha Guud, Maxamed Siciid Black iyo saraakiisha Wasaaradda ayaa kormeer ku sameeyey gaadiidka iyo agabka kalluumaysiga ee degmada Baargaal iyo warshadda kaydka kalluunka ee Barfiso.
5
Baargaal: Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dowladda Puntland, Maxamed Cabdulqaadir Saalax (Doonyaale), oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Siciid Black ayaa kormeer shaqo ku tegay degmada Baargaal ee gobolka Raas-Casayr
51
Garoowe: Wasiirka Wasaaradda @mofmr1 Maxamed Cabdulqaadir (Doonyaale) oo uu wehliyo Agaasimaha Guud, Maxamed Siciid ayaa kulan la yeeshay arday dhammaystay wajiga 1aad ee Master’s Degree-ga Culuumta Badda ee Jaamacadda Pwani, Kenya. Waana deeq waxbarasho oo wasaaraddu bixisay.
94
Garoowe: Wasiirka Wasaaradda, @mofmr1 Mudane Maxamed Cabdulqaadir Saalax (Doonyaale), oo uu weheliyo Agaasimaha Guud, Mudane Maxamed Siciid Black ayaa maanta kulan la yeeshay Guddiga Dib-u-habaynta Shaqaalaha Rayidka ah (Civil Service Reform).
63
Garoowe: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda @mofmr1 , Maxamed Siciid Black oo hogaaminaya qaar kamid ah saraakiisha Wasaaradda iyo iskaashatada kalluumaysiga ayaa agabka, talaagadaha iyo gaadiidka kalluumaysiga kusoo bandhigay xuska Sanadguurada 28aad ee aas-aaska Dowladda Puntland.
68
Ministry of Fisheries & Marine Resources Puntland retweeted
FAO wrapped a 3-day workshop with @mofmr1, @WFPSomalia, private sector, school admin to strengthen collaboration & operationalize linkages of fish companies & school feeding programme.
Thanks @FranceinSomalia for supporting the inclusion of safe, nutritious fish in school meals.
Boosaaso: Wasiirka Wasaaradda @mofmr1 Md. Maxamed Cabdulqaadir Doonyaale oo uu wehliyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda iyo Agaasimaha Guud ayaa kulan la yeeshay wafdi ka socday @UNIDOSomalia, iyadoo laga wada hadlay horumarinta iyo xoojinta iskaashiga Kalluumaysiga.
1
65
Laasqoray: Wasiirka Wasaaradda @mofmr1 Md. Maxamed Cabdulqaadir Saalax oo uu weheliyo Agaasimaha Guud, Md. Maxamed Siciid Black ayaa booqashadii ugu horreysay ku tagay degmada Laasqoray, isagoo kormeeray kaabeyaasha kalluumaysiga isla markaana xaqiijiyey in la dardargelin doono
62
Bosaso: Wasiirka Wasaaradda @mofmr1 Maxamed Cabdiqaadir “Donyale” ayaa daahfuray kulan aqoon-isweydaarsi ah oo lagu soo bandhigayay natiijada daraasadda qiimeynta xaaladda iyo fursadaha horumarinta kalluumaysiga ee Boosaaso. Wasaaradda iyo @UNIDOSomalia ayaa iska kaashaday.
74
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda @mofmr1 Md. Maxamed Siciid Black, ayaa kulan la qaatay masuuliyiin ka socotay @UNIDOSomalia si loo dardargeliyo mashruuca horumarinta kalluumeysiga ee Boosaaso iyo qabashada aqoon-is-weydaarsi lagu soo bandhigayo qiimeynta suuqa kalluunka Boosaaso.
1
74
Garoowe: 21 June 2026: Wasiirka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Saalax (Doonyaale) ayaa maanta xarunta wasaaradda ee magaalada Garoowe ku qaabilay wafdi ka socda hay'adaha Mercy Corps iyo DT Global.
82
Garoowe, 09 Juun 2026: Wasiirka Wasaaradda @mofmr1 Md. Maxamed Cabdulqaadir Saalax (Doonyaale), oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Maxamed Siciid Black, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday @FAOSomalia..1/3
1
63
2/3: Wafdiga FAO waxaa hoggaaminayey Madaxa Kalluumaysiga ee Soomaaliya, Md. John Purvis, waxaana ku weheliyey Madaxa Xafiiska FAO ee Puntland, Md. Maxamed Khaalid Cali, iyo Md. Cabdullaahi Cali oo ka mid ah hay’adda FAO.
1
58
Garoowe: 20 May 2026: Xafiiska Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Dawladda Puntland ee caasimadda Garoowe ayaa si casri ah loo qalabeeyey, iyadoo lagu rakibay agab iyo qalab muhiim u ah horumarinta shaqada iyo adeegyada wasaaradda...1/3
1
45
Dhismahan cusub ayaa loogu talagalay in lagu xoojiyo hawlaha maamulka, kor u qaadista ilaalinta khayraadka badda, iyo dardargelinta adeegyada la xiriira kalluumaysiga. Sidoo kale, waxa uu fududaynayaa wada shaqaynta shaqaalaha iyo adeegyada loo fidinayo bulshada...2/3
1
23
Bosaso: Wasiiru-dowlaha Wasaaradda @mofmr1 Mudane Cabdiqani Axmed Ismaaciil ayaa kulan la qaatay wafti uu hogaaminayo Mr. Alic, maamulaha shirkadda CSK (Central Sky International Trading Co.) oo laga leeyahay Taiwan kana shaqaysa dhoofinta wax-soosaarka kalluunka iyo xoolaha.

































































